この前Skypeで、ソマリランドに行っているという日本人の方に ソマリランドの方を紹介してもらって、少しソマリ語を教えて もらいました。 iska waraan(ママ)=How are you? fiican=I'm fine. xaalaada=How are you doing? みたいな感じだそうです。
"Basic Vocabulary in Standard Somali" を入手して少しずつ 読んだりもしています。
Nicholas Awde, Cabdulqaadir Xaaji Cali Xaaji Axmed and Martin Orwin Somali-English English-Somali Dictionary & Phrasebook, Hippocrene Books, 1999
期待してた品詞表示がないのが残念w ソマリ語を本格的に学ぶというよりは、英語話者の旅行者がちょっと見る用、 みたいな感じかな。イラストとかはないけど日本の『旅の指さし会話帳』に 近い感じかも。 便利そう。たとえばp.91を使うと Waxa aan ku hadlaa Af Jabaaniis (私は日本語を話します)なんていう文も作れる。
Sadat Turhan and Sally Hagin Milet Mini Picture Dictionary Milet, 2003
会話帳みたいな感じで、ソマリ語と英訳とが載っているんだけど、 001 What is your name? Magacaa? mah-gah-*AAH みたいな感じに、発音をローマ字で写したのが最後に載っている。 ソマリ語の正書法なんて発音そのまんま(というと語弊があるけど) なんだから、いらないだろうと思うんだけどw
“ Asc. Ustad xasan iyo asxabta o dhan, Khilafka ayaa ku batay Somalia, sabatuna waxaan u maleyey in la’wayey dad u shaqeeya danta somalida oo dhan, tasina waxa ay keentay in Soomalidu ay ka niyad jabaan dowladnimadii. Laakin nasiib wanaag hadda waxaa so noqotay rajadii soomalida dibad iyo dalba, si looga fa’ideysto fursadaas qaaliga ah waa in lahelaa.
Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Japan oo socdaal ku jooga caasimada Somaliland ee Hargyesa, ayaa ka waramay guuldarooyin badan oo naftiisu la kulantay, haddana u baddelay guul, isla markaana waxa uu ka hadlay aqoonta shacabka waddankiisu u leeyihiin Somaliland. Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, ayaa shalay huteelka Maansoor ee Hargeysa, si kedis ah ula kulmay Wiilka
dhallinyarada ah oo u dhashay dalka Japan oo la yidhaa Atsuyoshi Saisho oo socdaal booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland 12kii Abriil, 2014, waxanu nooga warramay ujeeddooyinka booqashadiisa, isagoo markiiba daboolka ka qaaday inuu yahay Arday bishii la soo dhaafay uu ka qaatay Digriigiisa kowaad mid ka mida Jaamacadaha ku yaal magaalada Tokoyo ee caasimadda u ah dalka Japan. Waxa uu intaa ku daray Mr. Atsuyoshi inuu haatana Digriigiisa labaad ka bilaabayo dalka Biriteyn, taasoo la xidhiidha dhinaca culuunta Waxbarashada. Asbaabaha uu ugu
leexday xagga Waxbarashada culuunteeda, ayaa waxa uu si xiiso leh oo aan wax gabbasho ah lahayn uga warramay wixii ka qabsaday waqtigii uu u gudbay Waxbarashada heerka Dugsiaga sare, waxanu isagoo ka warramaya uu yidhi,” Waxbarashadii caadiga ahayd ee Dugsiga sare waan wadi kari waayey oo maaddooyin badan ayaan keenay 2% tan ugu badana 16%, markaa sidaa ayaan ku dhacay, intaa wax ka badana waa keeni kari waayey si kastoo aan u dadaalo.” Haseyeeshee waxa uu sheegay inuu helay dariiq kale oo uu dhibco badan ku keeni karo isla Waxbarahadii
heerka dugsiga sare kuna dhammeyn karo dariiqaa cusub ee uu helay oo noqday Waxbarashada loo yaqaan ( e-Education ) ama [ Online-ka] Markuu ka gudbay ee uu ku guulaystay Waxbarashadii Dugsiga Sare ee uu heer Jaamacadeed u gudbay, ayaa waxa uu sheegay in dunida, gaar ahaana dalka Japan ay jiraan arday badan oo isaga la mid noqon kara xagga Waxbarashada, sidaana ay kaga hadhaan sii waditaanka
Waxbarasho. Sidaa darteed waxa uu daboolka ka qaaday inuu ku dhaqaaqay sidii uu ololaha hawshaa Waxbarasho ee Online-ka ay u heli lahaayeen ardayda reer Japan ee ku dhaca imtixaanaadka Dugsiyada, waxanu ku guuleystay inuu ka sameeyo dalkaas hay’ad la xidhiidha qaabka waxbarasho ee aan soo xusnay, taasoo dhaqaale aad iyo aad u kooban ka heshay jaamacadda Tokoyo, kadibna uu ku dhaqaajiyey
ololihiisii, taasoo siduu sheegay ay dalka japan heerkii Waxbarasho uu kor uga kacay halkii hore ilaa 44% . Sidoo kale waxa uu ka warbixiyey socdaal uu hadda kusoo maray dalka Bangaladesh oo uu ka bilaabay Mashruuc arrintan la xidhiidha oo uu ka bilaabay dalkaas oo isna meel
fiican u maraya ardaydii uu soo ururiyey ee sidiisa oo kale ugu dhacday Waxbarashada caadiga ah, ujeeddada uu u yimid Somaliland tahay taas oo kale iyo sidii uu u kaalmeyn lahaa ardayda reer Somaliland ee aan ku fiicnayn in Waxbarashada caadiga ah wax ku bartaan ama ka gudbaan imtixaanaadka, kuwaas oo uu sheegay in laga yaabo inay dhinaca waxbarasho ee Online-ka ay ku wanaagsanaadaan. Waxa uu intaa ku daray in dadka reer Japan aanay 99% kala aqoon Somaaliya iyo Somaliland , sidaa awgeedna Waalidka dhalay iyo asxaabtiisuba aad iyo aad uga
walwalsanaayeen, balse haatan markuu arkay nabada taalla Somaliland uu qanciyey oo ay niyaddu u degtay, waxani intaa raaciyey in isla sannadkan badhtamihiisa uu dalka keeni doono arday reer Japan ah oo aan badnayn oo xidhiidh ka dhaxeeyo, si ay ula galaan ururinta olole dhaqaale oo lagu badhi taageero ardayda Somaliland ee wax lagu bari doono qaabkan. Read more: Wiil U Dhashay Japan Oo Ka Hadlay Socdaal Uu Ku Yimid Somaliland.